Xod-xodasho Mise Sheeko Siyaasadeed!: Dawladda Sucuudiga Oo Soo Dirtay Farriin Ay Soomaalida Ku Beer-Laxawsanayso!

War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Sucuudiga ayaa lagu cambaareeyay weerarkii khasaaraha badnaa gaystay ee ka dhacay magaalada Muqdisho todobaadkii lasoo dhaafay dhammaadkiisa.

Muddi kaddib, waa markii ugu horreysay ee uu Sucuudigu cambaareeyo ama xitaa ka hadlo arrin siyaasadeed oo Soomaalida dhexdooda ah, taas oo shaki badani ku dhallisay dadka fallanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaalida.

dadka qaar ayaa qaba in tani tahay sasabasho iyo xod-xodasho siyaasadeed maadaama Soomaalida ay diideen in xiriirka u jaraan dawladda Qatar oo Khaliijku ku kacsan yahay.

Dhawaan ayeey ahayd markii Ay shabaab sheekteen mas’uulliyadda weerar dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Hoteelada isu muuqda ee Pizza House iyo Posh Treats.

Dawladda Federaalka Soomaali ayaa kol hore meel dhex dhexaad ah ka istaagtay khilaafka udhaxeeya waddamada Carabta, taas oo walaac ku dhallisay Huwanta Sucuudiga, balse farriintan waxa ay u muuqataa soo dhawaansho iyo in xukuumadda Riyaad ay la socoto xaaladda Soomaaliya.