Waa Tee Diyaaradda Ugu Horreysa Ee Khaliijku Leeyihiin Ee Kasoo Dagi Doonta Hargeysa? (Sir Culus Oo La Kashifay)

Caaddil Al Cali oo kamid ah madaxda ugu sareysa shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia ayaa sheegay in dhawaan shirkaddan ay bilaabi doonto duuliyaadka magaalada Hargeysa ee maamulka Soomaaliland.

laga bilaabo 4-July sannadkan, diyaaradaha shirkadda Air Arabia ayaa kusoo dagi doona Hargeysa, waana markii ugu horreysay taariikhda tan iyo burburkii Soomaaliya ka dhacay 1990-kii.

kaddib markii ay xiriirka u jareen maamulka Soomaaliland dawladda Qatar, dawladaha Khaliijka ayaa taakulayn iyo saaxiibtinimo ka sameysanayay xukuumadda Hargeysa fadhigeedu yahay ee Soomaaliland.