Maxay Har Iyo Habeen La Hurddi Weysay Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan? (Warbixin Murugo Leh)

wasiiraddii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ahna garab ka tirsan aqalka Baarlamaanka Soomaaliya Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan oo u waramaysay hillinka wararka ee Al-Jazeera ayaa sheegtay in har iyo habeen loo hanjabayay aynna soo gaarayeen cagajulays dhan walba ah tan iyo markii ay ku biirtay Siyaasadda.

Fowsiya oo ka hadlaysay doorka dumarka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda ayaa sheegtay in wax walba oo dumarka ay qabsan lahaayeen ay ku hor gidaaran tahay caado dhaqamayd ay ku tilmaamtay in ay dib u dhigayso yoolka dumarka Soomaaliyeed.

Si gaar ah waxa ay kaga hadashay maalmihii ay ahayd wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, taariikhda ay u gashay in ay noqotay gabadhii ugu horreysay ee xilkaas ka qabata Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxay ahayd markii u horaysay. Waxaan safari ku tagi jiray gudaha dalka, mar kasta oo aan la hadlo gabdhaha yaryar waxay igu odhan jireen hadda waxa noo muuqata rajo, hadda wax baan qaban karaa, hadda meel ayaan qabsan karaa, waxaan ana u sheegi jiray mar kasta oo aan la hadlo cidi idima joojin karto haddii aad meel doonaysaan. Raggu way idin taageerayaan haddii aad ugu dambayn tidhaahdaan dib uma noqonayno.”

sidoo kale waxay si waali ah kaga hadashay hanjabaadihii soo gaari jiray intii ay kujirtay siyaasadda, waxayna tiri “Har iyo habeen ma ahayn wax kala joogsi leh dhambaallada hanjabaadda ah, mar walba oo aan hurdo iyo markasta oo aan soo kaco, balse ma ahayn mid u qabto ama daneena una joojiya hawsheeda hanjabaad iyo wax lamid ah, waanna ugu dambayn ku guuleeystay,” ayeey hadalkeeda kusoo gabagabeysay xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.