Maxaa Iska Baddalay Go’aankii Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle?

dhawaan ayeey ahayd markii ay soo ifbaxaysay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya guddoomiyaha Barlamaanka maamulka Hirshabeelle iyo xildhibaanada baarlamaanka maamulkaas, balse ugu dambayn Cabdilahi Maxamed Caddow oo ku hadlaya magaca xildhibaanada ayaa xaqiijiyay in ay kala noqdeen Mooshinkii ay ka keeneen guddoomiyahooda.

39 Xildhibaan ayuu sheegay in ay dib ula noqdeen go’aankoodii ahaa in xilka laga qaado Sheekh Cisman Maxamed Barre oo ah guddoomiyaha golaha shacabka Maamulka fadhigiisu yahay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

“Kaddib markii aan eegnay xaaladda lagu jiro, waxa aan go’aansanay in aan dib u dhigno, kana noqono go’aankeenii ahaa in aan mooshin ka keeno guddoomiyaha Barlamaanka Sheekh Cisman Maxamed Barre, annaga oo eegayna duruufaha jira”.

go’aankan ayaa imaanaya xilli xalayto ay casho iyo afur wada qaateen madaxwayne kuxigeenka maamulka Hirshabeelle Cali C/lahi Xuseen iyo xildhibaanada Gadoodsan.