Madaxwayna Turkiga Oo Taleefoonka Kula Hadlay Dhiggiisa Qatar Iyo Sir Sucuudiga Looga Adkaan Karo Oo la Helay

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdugon ayaa teleefoonka gacanta kula hadlay amiirka Qatar Sheekh Thamiin Axmed Al Thani iyo madaxwaynaha dhawaan la doortay ee dalka Faransa Emunnuel Macron, waxa aynna kawada hadleen xaaladda sii xumaanaysa ee ka jirta dhanka Khaliijka.

Sida ay fahansan tahay Aljaziira, Erdugon ayaa aad ugu dhiira galiyay Qatar in ay u adkeystaan cunaqabataynta Sucuudiga, sidoo kale Faransiiska madaxwaynahooda ayuu kala hadlay sidii ay ku xasillin lahaayeen ammaanka gobolka.

Iskaashiga saddex dawladood, dejinta xaaladda Khaaliijka, la dagaalanka argigixisada waa ujeeddka ugu wayn ee shirka dhex maray madaxda Faransiiska, Turkiga iyo Qatar.

Dawladaha Khaliijka ayaa go’aansaday in ay cunaqabateeyaan Qatar, baddalka Turkiga ayaa ka shaqaynaya sidii uu u xallin lahaa xasaradda kasoo cusboonaanayso gobolka, si lamid ah xukuumadda Paris ayaa hadda kusoo biirtay arrintan dajinteeda, madaxwayne Macron ayaa sheegay in ay dadaalo badan ku bixin doonaan xasillinta iyo nabad dhex dhigidda dawladaha Carabta.