Ma Dhab Baa In Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Uu Booqanayo Xarunta Kooxda Real Madrid?

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa kusugan caasimadda dalka Spian ee Madrid, isagoona halkaas kulamo gooni gooni ah kula yeellanayo mas’uuliyiin reer Spian iyo kuwa heer caalami ah.

Mr Taleb D. Rafie oo ah xogayaha guud ee arurka dalxiiska adduunka ayeey shir wada qaateen, kaas oo looga wada hadlayay xaaladda nabadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya, labada mas’uul ayaa isla meel dhigay sidii dib loogu soo celin lahaa SOomaaliya saaxadda dalxiiska adduunka.

Safarka Wasiirka ayaa ah midkii ugu horreeyay ee uu Yurub ku tago tan iyo markii la magacaabay bishii March ee aynnu soo macsalaamaynay.

Wasiirka maadaama uu yahay qof dhallinyaro ah waxaa laga yaabaa in uu booqdo xarunta kooxda Real Madrid, oo isla magaalada Madrid oo uu hadda kusugan yahay ka dhisan, balse waa haddii uu fursad u helo wasiirka.