Itoobiya oo sheegtay in Saamiga Berbera ay wadahadal ka galeyso

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay wadahadal dheeraad ah ka geleyso Saamiga laga siiyay Dekadda Magaalada Berbera ee ay la wareegtay Sharikadda DPWorld ee Dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Gaadiidka Dalka Itoobiya Axmed Shidde,oo ka qeybgelayay furitaanka Dekadda Tojarra ee Dalka Jabuuti oo inta badan ay adeegsan doonto Itoobiya ayaa sheegay in Itoobiya ay maalgashi iyoa deegsiba ka dooneyso Dekadda Magaalada Berbera sidaas darteedna saamiga laga siiyay ay kala hadleyso Sharikadda DPWorld.

Waxaa uu sheegay in Itoobiya ay u baahan tahay Dekadda Berbera islamarkaana ay diyaar u tahay maalgelin ay ku sameyso Dekadda iyada oo wadahadal kala galeysa Sharikadda lagu wareejiyay ee DPWorld.

Somaliland iyo DPWorld ayaa Itoobiya siiyay 19% Saami qeybsiga Berbera kaas oo hadda wasiirka Gaadiidka Itoobiya Axmed Shidde uu sheegayo in Itoobiya ay wadahadal dheeraad ah ka galeyso.