Gaza Oo Gashay Marxaladdii Ugu Xumayd Taariikhda, Iyo Carabta Oo Sheedda Ka Daawanaysa (Warbixin Qiiro Leh)

Korronto goynta waa dhibaato mar walba kajirtay daanta la cunaqabateeyay ee Gaza 10-kii sano ee lasoo dhaafay, balse xaaladda ayaa gaartay marxalad cusub oo hoose, markii Axaddii lasoo dhaafay ay Israel iyo maamulka magac u yaalka Falastiiniyiinta ay ku heshiiyeen in hoos loo dhigo 40%kiiba miisaaniyadda korontada ee Gaza.

Inkabadan 2-Million oo qofood kuna nool  Gaza iyo agagaarkeeda ayaa helaya Afar saacadood oo koronta ah maalintii, qalabka iyo goobaha caafimaadka Gaza oo ay kujiraan dad badan oo dhaawacyo ah ayaa la daalaa dhacaya in ay helaan koronto.

dhacdadan ayaa imaanaysa xilli Robert Piper oo ah isu-duwaha qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha banii Aadamnimada, islamarkaana ka hawl gala Falastiin uu wareysi siiyay Aljazeera qaybteeda la hadasha dadka English wax ku fahmo uu sheegay in shidaalka Gaza yaalla uu dhammaad ku dhaw yahay islamarkaana aannu ku filnayn marka la gaaro dhammaadka bishan June ilaa bilawga bisha July.
Xaaladda ayaa ah mid sii cakirmayso, majirto marxallad ka xun middaan oo soo martay Falastiin, waxa ay u baahan yihiin Gar gaar dhan walba ah, keliya korontadu ma ahan waxa ugu badan ee ka maqan, sidoo kale waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha ayeey u baahan yihiin dadka reer Gaza iyo dhammaan dadka Falastiiniyiintuba.
Maxamud Cabbaas oo dhanka Yahuudda u dhunduleella ayaa ka oggolaaday Yahuudda in ay jaraan hoosna u dhigaan miisaaniyadda Korontada iyo wakhtiga korontada laga isticmaalayo Gaza.
Alle mooye ma jiro qof kale oo u maqan maanta, waxaa lagu jiraa bisha Barakeysan ee Ramadan, Habeenkii waxaa loo baxaa salaadda Tarawiixda, sidoo kale tan iyo markii lasoo galay 10-ka dambe ee bishan, waxa bilaawday Tahajudka, taas oo ay adag tahay in uu qof caadi ah guureeyo iyadoo aysan jirin wax koronta ah.