Eritrea Iyo Jabbuuti Oo Qoorta Iskula Jira Iyo Xiisad Dagaal Oo La Dareemayo

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabbuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa weerar ku qaaday dalka ay deriska yihiin ee Eriteria kaas oo ciidamo xoog leh soo dhigay xuduudda labada dal.

Jabbuuti ayaa ku eedeysa xukuumadda Asmara in ay hurinayso dagaal gobolka ka dilaaca wakhti aan munaasib ahayn, waxaana sidoo kale ay ka digtay ciidanka badan ee kusii qulqulaya xuduudda labada waddan.

khilaafka labada dawladood ma ahan mid hadda curddin ah, waxa uunna salka ku hayaa muran dhulleed labada dhinac ka dhex taagan, balse dagaal iyo xiisad cusub oo ka bilaabata gobolka ma ahaan doonto mid u wanaagsan dadka ku dhaqan guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka ayaa sheegay in Eriteria ay doonayso, islamarkaana ay waddo daan daansi iyo dhoolla tus militeri, taas oo aysan xukuumadda Jabbuuti oggolaandoonin, sida uu hadalka u dhigay wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Mudane Maxamuud Cali Yuusuf.