DAAWO: Anshax-darro Awgeed Dawladda Soomaaliya Oo Dalka Ka Cayrisay Mid Kamid Ah Madaxdii Ugu Sareysay Qaramada Midoobay

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in ay dalka si deg deg ah kaga saarto madixii hey’adda Cuntada iyo beeraha adduunka ee FAO Mr Richard Trichard.

DF ayaa ku eedaysay Richard in uu fal anshax darro ah ka geeystay dalka intii uu joogay, taas oo keentay soona dadajisay in dalka laga saaro.

Sarkaal u hadlay qaramada Midoobay ayaa sheegay in dawladda iyo FAO ay u socdaan wada hadalo ku saabsan sidii lagu xallin lahaa khilaafka soo dhex galay labada dhinac.

iyadoo markii hore lagu haystay dib u dhigidda in FAO xarun ku yeellato Muqdisho ayaa lagu sii helay falal anshax darro ah, kuwaas oo uu kula kacay sida warar hoose ay sheegayaan dumar Soomaaliyeed, taas oo keentay in ay soo farageliso dawladda Soomaaliya.

muddo 48-saacadood ayaa loo qabtay in wakiilkaas uu dalka isaga baxo, haddii ay dhici waysana dawladda Soomaaliya ayaa qaadaysa tallaabada ugu habboon ee wax looga qaban karo ayaa lagu yiri war murtiyadeed kasoo baxay Villa Soomaalia.

Haddaba Daawo Madax wayne Farmaajo oo ka Hadlaya Arrinkaas