War ‘aan Lagu Farxin oo laga soo sheegayo Deegaanadii lagu Dagaalamay Ee Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Degaano u dhexeeya Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan oo ka mida Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Saakay Meydad hor leh laga helay Goobihii ay Maleeshiyaadku ku dagaalameen.

Dadka degaanka ayaa noo Xaqiijiyay in Meydadka Afar Ruux oo ah kuwii ku dhintay Dagaalkii Baanyaaleey Saakay laga helay Goobihii lagu Dagaalamay.

Sidoo kale Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa kala dhex galay Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay Degaanka Baanyaaley Ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa asna ku baaqay in Dagaal Beeleedka Deg Deg loo joojiyo.