Nin kamid ah dadkii ka soo laabtay Dhadhaab oo Kismaayo lagu dilay

Nin kamid ah dadkii ka soo laabtay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Waqooyi Bari Kenya ayaa Khamiistii lagu dilay Magaalada Kismaayo oo Xarun kumeel gaara u ah Maamulka Jubaland.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xaaji Yuusuf, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Farjano, iyadoona uu dilkiisa gaystay askari ka tirsan ciidamada ammaanka, ee ka hawlgala Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Askarigan oo ku heyb ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa waxaa la sheegay in dilka ka dib uu goobtaasi ka baxsaday.

Saraakiisha ciidamada ammaanka, ayaan weli ka hadlin dilka ninkaasi, waxaase macquul ah in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.

Marxuum Cabdi Xaaji Yuusuf iyo qoyskiisa, ayaa muddo dheer ku noollaa xerada Xagardheer, waxayna dib dalka ugu soo laabteen, markii loo sheegay in amniga uu ka soo reynayo.

Qoysas fara-badan oo ku noollaa xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, ayaa labadii sano ee la soo dhaafay soo degay Magaalada Kismaayo.

Amniga Magaalada Kismaayo, ayaa muddooyinkan dambe soo hagaayay, inkastoo xilliyada qaarkood ay ka dhacan falal liddi ku ah nabadgelyada.