Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo looga yeeray Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Saakay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Cigaal Airport.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliland ayaa u kicitimay Wadanka Imaaraadka Carabta oo la sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo looga yeeray.

Booqashada Axmed Siilaanyo ayaa imaaneysa Xilli weli uu taagan yahay Khilaafka u dhexeeya Wadamada Khaliijka iyo Dowladda Qadar,waxaana Horay Somaliland oo aan la Aqoonsaneyn ay sheegtay in ay Xiriirka u jartay Dowladda Qadar.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la wareegtay Gacan ku haynta Dekedda Magaalada Berbera, waxaana uu Imaaraadku ka dhisan doonaa berbera Saldhig Milatari,inkastoo Saldhiggaas uu Muran ka dhex dhaliyay Gudaha Somaliland.