Fiirso Sawirro: Ciidanka Amniga Sida ay howlgalada xasilintu Caasimada Muqdisho u Wadaan

Tan iyo markii la guda galay bisha Ramadaan waxaa magaalada Muqdisho ka Socday howgal lagu xaqiijinayo amaanka oo ay wadaan ciidamadaa xasilinta amniga caasimada.

Ciidamadan ayaa tan iyo markii ay bilaabeen howlgalada waxay wax badan ka qabteen hubkii faraha badnaa ee lala dhexmari jiray wadooyinka, iyagoo xakameeyey ilaalada ay wataan masuuliyiinta dowladda oo tiradooda aad loo soo koobay.

Isgoys walba oo ka tirsan Muqdisho iyo wadooyinka xaafada qaarkood ayey howlgalada ka wadaan ciidamadan iyagoo baaraya gaadiidka iyo shacabka, iyagoo dadka ula dhaqma si degan.

Waloow aay taasi jirto hadana amaanka Magaalada Muqdisho’ maalmahii ugu danbeeyay ma aheyn mid sida la doonayay noqday oo waxaa dhacaayay dilal qorsheysan.