Wax Ka Ogoow Waddamada Ay Kasoo Jeedaan Dhammaan Dadkii Ku Waxyeeloobay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho!

sida aan ku baahinay wararkeenii hore, waxaa weerar saf mar ah lagu qaaday hoteelada mataanaha dhanka Juqraafi ahaan ah ee Posh Treats iyo Pizza House oo ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka kasoo baxaya weerarkaas ayaa sheegaya in halkaas ay ku dhinteen dad aan Soomaali ahayn oo ka shaqaynayay labada Hotel.

Pizza House caadiyan waxaa ka shaqaya shaqaalle iskugu jira Soomaali, Carab iyo Kenyati, hubanti in Soomaali badan ay geeriyootay, sidoo kalena, dadka qaar ayaa sheegaya in uu geeriyooday mid kamid ah shaqaallihii Carabta ahaa ee Hotelkaas la shaqaynayay.

shaqaalaha Carabka ah ee geeriyooday waxaa dhallashadiisa lagu sheegay in uu kasoo jeedo dadka dagaaladu ay jeex jeexeen ee Syria, wuxuuna u qaabilsanaa dhanka Shaaha, marka aad kasoo gasho illinka hore ee maqaayadda waa qofka ugu horreya ee shaqaalaha Pizza House aad arkayso, maadaama saldhiggiisa uu ahaa meel aan dadka aad uga fogayn, taas ayaa keeni karta in ay dhab noqoto wararka sheegaya in uu geeriyooday muwaaddinkaas Syrian ka ah.

sidoo kale dhabarkiisa dambe waxaa kujira shaqaalle Kenyan ah, balse halista Kenyan ka iyo kan Syrian ka mar walba dhanka qaraxaas waxaa badnaa Syrian, Kenyatiga waxa ay kujiraan luuq xagal, lama hubo se khasaaraha saxda ah ee soo gaaray ajaanibta Kenyan ka ah ee la shaqaynaysay Pizza House.

dhanka Posh inta badan shaqaallaha Hotel kan waxa ay u badan yihiin kuwa kasoo jeeda Geeska Afrika, sida caadiga ah Soomaali ayaa u badan, halka jinsiyadda Ethiopian ka iyo kuwa Kenyatiga ay kuxigeen shaqaalle ahaan dadka la shaqeeya Posh.

lama hubo inta ay la eg tahay khasaaraha soo gaaray shaqaallaha Ajaanibta ah ee Posh, balse dib ayaa laga ogaan doonaa cidda wax kaga noqotay weerarkan xoog ku galka ahaa ee labada hotel ba saameeyay.

kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa xaqiijiyay in ay soo badbaadiyeen qaar kamid ah shaqaallaha ajaanibta ah ee labadaas Hotel, sidaa darteeda wixii kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socod siin doonaa haddii uu rabbi qaddaro.