Qarax Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Boosaaso Iyo Alshabaab Oo Si Waali Ah Kaga Hadlay Weerarkaas

Qarax xooggan ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay bar Kontorool ku taalla magaalada Boosaaso ee Bariga Soomaaliya.

5 askari oo ka tirsan ciidanka amaanka Puntland ayaa ku geeriyootay sida lagu sheegay war ay baahisay idaacadda Afka Alshabaab ku hadasha ee Andalus.

weli wax war ah kama soo bixin dhanka amaanka Puntland, haddii ay ahaan lahayd cambaaraynta weerarkaas iyo sheegidda khasaaraha weerarkaas uu gaystay, maadaama xilliga uu dhacayay ay ahayd mid kamid ah xilliyada ugu mashquulka badan magaaladaas, qaraxana uu ka dhacay Faras magaalaha magaalada.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli todobaad uun ay kasoo wareegato markii ay Alshabaab sheegteen mas’uuliyadda weerar askar badan Puntland looga dilay isla deeganada maamulkaas.

Dhaq dhaqaaqa Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka Boosaaso, si lamid ah waxa ay sheegteen mas’uuliyadda weerarkii xalayto lagu qaaday Hotelada Posh Treats iyo Pizza House ee magaalada Muqdisho.