*Madaxweyne Farmaajoow Majoogtaa*?

Qormadaydan tiiraanyada ah ayaa igu dhalisay kadib dhibaatadii xalay Xamar kadhacday oo ahayd musiibo aad uwayn.

Abaarahii xalay 8:20Pm weerar iyo Qaraxyo isadaba joog ah oo socday 11 saacadood ayaa kadhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa ku naf wayay sida aan warka ku helay illaa 20meeyo halka 30meeyo ay dhaawac yihiin.

Geerida iyo dhaawaca sida xaqdarrada ah ay argagixisadu gaysatay waxaa aad iigu sii xanuunka badnaa geerida 3gabdhood oo walaala ah halka walashood 4aad ay dhaawac tahay Innaa lilaahi waa innaa ilayhi raajicuun.

Dulucda qormadayda: –

Mudane Madaxweyne Muqdisho musiibadaa kadhacday ma maqal tiiraanyada shacabkaagii xalay illaaa saakay kudhacaysay maydadkooduna illaa saaka la daad guraynayay.

Madaxweyne miyeeysan mudnayn maadama Argagixisadu ay yihiih kuwa naftood halliga’yaal ah oo aan doonayn wanaag iyo horumarka dalkeena in tiiraanyadaadaada ay nasoo gaarto?

Madaxweyne ballan qaadyadaadii waxaa kamid ahayd in aad lawadaagi doonto shacabka Soomaaliyeed xaalad waliba ay ku sugan yihiin,miyeeysan Muqdisho kujirin?

Musiibooyinka dalka kadhacay isbuucaan way badnaayeen waxayna ukala qaybsanaayeen Arargagixiso dhibaatooyin gaystay iyo shacab macluul, cudurro iyo hooy la’aani haysatay, Mudane Madaxweyne meelo si dhaqsiya ayaad uga hadashay meelna wali mamaqal tiiraanyo iyo tacsi aad kabixisay.

Gunaanad: –

Qormadaydan waa mid aragti furan kuna salaysan tala bixin iyo sixidda sida loo wadaagi lahaa sinnaanta iyo cadaaladda muwaadin waliba ee dhib soo gaara .

Madaxweyne halku dhigyada aan arko waxaa kamid ah (Nabad iyo Nolol)anigise waxaan u arkaa mid aan dhamaystirnayn .

(Intii dhimatay Allaha unaxariiso inta dhaawaca gaarana alla hacaafiyo)

(*Madaxweyne Farmaajoow Majoogtaa? )
Mahadsanidiin Hassan Abdikadir Mudey.