Maamulka Isbitaal Madiina oo ka warbixiyay dhaawacyadii la geeyay isbitaalka.

Weerarkii xalay lagu qaaday maqaayada Pizza ayaa faah faahino dheeri ah ay kasoo baxayaan , Isbitaalka Madiino waxa uu kamid yahay isbitaalada muqdisho ee la geeyo dhaawacyada marka ay shaqaaqo dhacdo.

Agaasimaha isbitaalka Madina Maxamed Yuusuf oo warfidiyeenka kula hadlay isbitaalka waxaa uu sheegay inay qaabileen dhaawacyada 17 ruux , 8 kamid ah waxa uu sheegay in dhaawac yadoodu ay yihiin kuwa fudud 7 kamid ah ayuu sheegay inay qaliin guuleystay ku sameeyeen halka mid kamid ah dadkii dhaawac ahaanta loo geeyay isbitaalka uu ku geeriyooday gudaha isbitaalka.

Horaan laamaha amaanka dowlada Soomaaliya waxaa ay sheegeen in tirada dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay weerarka ay gaarayaan 18 ruux.

Tirada dadka weerar kaas ku dhintay ayaa sii kordheysa waxaana jira dad markii hore dhaawac ahaan goobta looga qaaday oo xarumaha caafimaadka ku geeriyooday.