DEG DEG: Dagaal ka socda Degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe

Wararka ka imaanaya dagmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in deegaan 8 KM dhanka Koonfurta ka xiga Balcad uu iminka ka socdo dagaal.

Dagaalka ka hor Qarax ayaa ka dhacay deegaanka waxaana lala eegtay gaari ay la socdeen ciidanka Dowladda Soomaaliya waxaana xigay rasaas xoogan.

Saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda ayaa la sheegay inay qaraxaasi ku dhinteen , sidoo kale Todobo askari ayaa la sheegay inuu dhaawac kasoo gaaray qaraxaas.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu udhaxeeyo ciidankii dowladda ee la qarxiyay iyo Al-shabaabkii qaraxa la beegsaday waxaana jira gurmad ka baxay Balcad oo ciidanka dowladda ah.

Waxaa jira qasaare ka dhashay dagaalka udhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al-shabaab balse weli lama xaqiijin qasaaraha rasmiga ah.