Yuusuf Garaad Xilkiisa Ayuu Weyn-Doonaa Marka La Gaaro Wakhtigan! (Sir Culus)

Yusuf Garaad oo kamid ah golaha wasiirada ayaa qayb ka ah dhanka kale sida warar hoose oo ay helayso Shaaciye Online sheegayaan wasiirada ku bixi doona isku shaandhaynta ugu horreysa ee ra’iisul wasaare Kheyre damacsan yahay.

Garaad ayaan lagu amaanin siyaasaddiisa, sidoo kale kama dhaxeeyo xiriir wanaagsan, ra’iisul wasaaraha, middaas ayaa soo dadajinaysa in uu goor hore ba waayo maqaamkiisa wasiirnimo.

Illo ku dhaw xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa u xaqiijiyay hillinka Shaaciye, in dhawaan ra’iisul wasaare Khayre uu damacsan yahay isku shaandhayn golaha wasiirada ah, marka ay u buuxsanto 6-bilood.

Wariyihii hore ee BBC da ayaa siyaasadda kusoo biiray sannadkii 2012-kii, wuxuuna xilligaas noqday musharax madaxwayne, si lamid ah waxaa loo magacabay Ambasadorka Somalia u fadhiya Un, intii ay jirtay dawladdii Xasan Sheekh Maxamud.