Wareegto: mas’uuliyiinta dowladda oo lagu amray in ay isdiiwaan geliyaan

Wasaaradda amniga gudaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay wareegto ay ku mareyso mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda Soomaaliya in ay isku diiwaan geliyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka amniga gudaha islamarkaana la ogeysiiyay Madaxweynaha,Ra’isalwasaaraha,Guddoonnada labada Gole iyo Taliyaha Nabad Sugidda ayaa Wasiirka amniga waxaa uu madaxda dowlada ku amray in ay  diiwaan geliyaan hubka iyo ilaalada ay heystaan.

Mas’uuliyiinta ayaa la faray in ay hubka iyo ilaada gaarka ah ee ay leeyihiin ka diiwaan geliyaan laanta Dambi baarista ee C.I.D-da ee Muqdisho.

Warqadda ayaa lagu sheegay sidoo kale in Mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda ay heystaan muddo 14 maalmood ah oo ay ku diiwaan gelin karaan ilaalada iyo Hubka ay heystaan,waxaana la mamnuucay hubka ka weyn AK47 iyo ilaalo ka badan 4 Qof.