Waa Maxay Naanaysta Qosolka Leh Ee Macalinka Manchester United Jose Mourinho?

Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho oo kamid ah macalimiinta ugu wanaagsan dunida ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay qof wanaagsan marka laga tago garoonka.

Istaafkiisa ama caawiyayaashiisa gaarka ah ee dhanka macalinimo ayaa kashifay sir ah in loogu magac daro Macalinka  Portugues naanaysta Daisy oo uu kujilayay jilaaga caanka ah ee Jessica Tandy filmkiisii Oscar ka kuguuleeystay ee Driving Miss Daisy.

Naanaystan ayaa ah mid cajiib ah marka loo eego sida uu u yahay Jose Mourinho macalin aad u cajiib ah maalmihiisa guulaha, sidoo kale waxa uu leeyahay sifooyin foorjayn u badan marka aan garoonka lagu jirin.

Special One ayaa ku guuleeystay tartanka Europe League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, kaddib markii uu Finalka ku garaacay kooxda reer Holland ee Ajax kulanka ka dhacay tuullada Soln ee duleedka caasimadda Swedan ee Stocklom.