Sawirro: Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo Dhagax Dhigay Dhismaha Barlamaanka

Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo wasiir ku xigeenka Howlaha Guud Galmudug Axmed Ilkacase ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha xarunta Barlamaanka Maamulka goboleedka Galmudug.

Mashruucaani lagu dhisaayo Xarunta Baarlamaanka Maamul Gobaleedka Galmudug ayaa waxaa maalgelinaaya Hay”adda Qaramada Midoobe ee loosoo gaabiyo UNDP, iyadoo balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo gaba gabeen dooonto dhismaha xaruntaasi.

Dhismahaan ayaa ka kooban xafiisyo iyo hoolka shirarka barlamaanka, horey barlamaanka Galmudug ayaa ku shiri jiray hoolka xafladaha ee Madaxtooyada.

Xaruntaan ayaa waxa laga dhisayaa Madaxtooyada kumeel gaarka ah ee Maaamulkaasi ee Magaalada Cadaado, iyadoo dad badan ay is weydiinayaan in Madaxda Maamulkaasi ay ka go”antahay in mar uun ay usoo guuraan magaala madaxda saxda ah ee maamulkaasi oo ah magaalada Dhuuso-Mareeb.