Sawirro: Dab Qabsaday Dhismo aad u dheer oo Ku Yaala Magaalada London

Dab wayn ayaa qabsaday dhisme 27 dabaq ah oo ku yaalla magaalada London, dad goobjoogeyaal ahna waxay sheegayaan in ay dad ku xanniban yihiin guryahooda.

Dhismaha Grenfell Tower ayaa ku yaalla Lancaster West Estate waxaana la sheegay in ilaa 200 oo dab damis ah ay la tacaalayaan xakamaynta dabka.

Booliiska ayaa sheegay in la daweeyay tiro dad ah oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Andy Moore oo ka tirsan BBC ayaa sheegay in dhismaha oo dhan uu dabku gaaray lagana cabsi qabo in uu dumi karo.

Booliisku waxay sheegeen in dad laga daad gureeyay dhismaha.

45 gawaarida dabdamiska ah ayaa loo diray goobta uu dabku ka kacay, duqa magaalada London-na wuxuu sheegay in lagu dhawaaqay in arintani ay tahay “mid wayn”.