Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Hoggaamiye Dambiille Ah (Sheeko Xiiso Badan)

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali KHeyre ayaa la kulmaya madaxwaynaha dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir, kaas oo reer Galbeedka ay ku tilmaameen in uu yahay dambiille, inkastoo isaga uu diiday eedaynta galbeedka kaga timid; waxaana ay kawada hadleen labada hoggaamiye iskaashiga labada dal ka dhaxeeya.

Goobta ay ku kulmayn oo ahayd Adis Ababa kadib markii uu soo idlaaday shirkii madaxda IGAD ee Ethiopia todobaadkan ka dhacay.

Waa markii ugu horreysay ee uu Albashiir la kulmo madax SOomaali ah tan iyo markii ay dhallatay dawladda Farmaajo.

Iskaashiga labada dhinac, meel kasoo wada jeesashada faqriga iyo colaadaha iyo waxyaabo la xiriira ayeey kawada hadleen labada hoggaamiye, balse Albashiir ayaa ammaan ugu qubeeyay madaxda Soomaalida, maadaama uu sheegay in Soomaaliya hadda ay cagta saartay waddadii guusha iyo nabadda.

Sudan ayaa door wanaagsan ka ciyaartay isku soo dhawaynta dawladdii uu hoggaaminayay C/lahi Yusuf AUN, iyo ururkii laga taqalusay ee Maxaakiimtii Islaamiga ahayd, sannadkii 2006-dii, sidoo kale siyaasadda Soomaaliya ayeey door muuqda ka ciyaartay 27-kii sanno ee burburka.