Odayaal Dhaqameedka Wuqooyi Bari Kenya Oo U Daneeyay Al-shabaab (Warbixin Xasaasi AH)

Odayaal dhaqameedka kasoo jeeda Wuqooyi Bari Kenya ayaa aad uga soo horjeestay qorshe ay ka dhawaajiyeen xildhibaanada ka imaada gobolkaas, kaas oo ahaa in haddii ay dawladdu wax ka qaban waydo arrinka Alshabaab ay iibin doonaan hub islamarkaana ay iska dhicin doonaan weerarada Alshabaab ay halkaas ka gaystaan.

Dubbad Cali Cameey oo kamid ah odayaasha ugu caansan gobalka wuqooyi bari Kenya ayaa sheegay in aysan hadda awoodin in ay la dagaalamaan Alshabaab aysanna sidoo kale diyaar u ahayn in ay hub u dhiibaan dhallinyarada gobolkaas.

Todobo kamid ah xildhibaanada ka imaada gobolka W/B ayaa dhawaan sheegay in ciidanka Kenyaan ka aysan la dagaalamin Alshabaab, baddalkeedana ay u baahan in dhallinyaradooda hubka u dhiibaan lana dagaalamaan Alshabaab.

Urura Alshabaab ayaa weeraro joogta ah ku qaada gobolka Wuqooyi Bari Kenya, dhawaan ayeey ahayd markii ay weeraro ku dileen dadka Kaabo iska qodanayay, marka la isku dardaro dhabaatoyinkaas ay qabaan dadka rayidka, xildhibaanada ayaa aad uga damqaday, hasa yeeshee odayaasha dhaqanka deegaanadaas ayaa iyagana kasoo horjeestay hadalka xildhibaanada iyagoo door bidaya in ay dhintaan iyadoo laga gardaran yahay.