Milkiilaha Posh Treats Oo Hadal Lala Yaabo Ka Tiri Weerarkii Caawa Hotel-keeda Lagu Qaaday

Milkiilaha Maqaayada Posh Treats Manar Muxuddiin Macalin ayaa barteeda Facebook shaaca ku xaqiijisay in rugteeda aan la weerarin, baddalkana weerarka uu ahaa Hotelka loo raaxada tago ee Pizza House.

Manar oo adeegsanaysa Baraha Bulshada ayaa sheegtay in uu  dhaawacmay mid kamid ah ilaaladeeda illinka hore e Hotelka, sidoo kale waxa ay xaqiijisay in dib ay kala soo socod siin doonto dhammaan dadka ku xiran Hotelkeeda khasaaraha saxda ah ee uu gaystay qaraxaas ka dhacay inta u dhaxeysa Hotel Pizza House iyo posh Treats.

Haddaba hoos ka akhriso Lifaaqa war murtiyeedka Milkiile Manar Muxuyiddiin Macalin oo ah milkiilaha Posh Treats.