Maxaadan Ogayn Oo Ka Dhacay Degmada Maxaas?!

wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxa ay sheegayaan in halkaas ay ku geeriyoodeen inkabadan 10-qofood, halka tiro intaas kabadanna ay ku waxyeeloobeen dagaal dhex maray maleeshiyo beelleed wada daga deegaankaas.

Cali Xaaji Xasan oo ah guddoomiye kuxigeenka degmadaas ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in dadka dhintay ay u badnaayeen labadii dhinac ee wada dagaalamayay, islamarkaana ay hadda xabbad joojin dhex dhigeen.

dadka dhaawaca qaarkood waxaa la geeyay magaalada Baled-wayne halka kuwa kalena loola cararay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

labada dhinac ee ku dagaalamay magaaladaas, waxay ahaayeen laba qabiil oo wada daga deegankaas, balse colaad iyo aannooyin qabiilna ay dhex taallay, maamulka gobolka Hiiraan ayaa hadda wada qorshe xabbad joojin waarta loogu keenayo degmada Maxaas iyo tuullooyinka ku teedsan.