Gudoomiye Baadiyow “Amni Hadii La Waayo Wax Shaqeynaayo Malahan”

Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle Mudane Cumar Aadan Baadiyoow ayaa sheegay in maamulkiisa uu diirada saari doono sidii loo xaqiijin lahaa amniga Gobolka.

Baadiyow ayaa sheegay in Maamulka uu sidoo kale ka shaqeyn doono sidii loo heshiisiin lahaa beelaha Soomaliyeed ee dirirtu ay ka dhaxeyso kuwaaso oo wada daga Gobolka Hiiraan, dhawaan la furi doono shir dib u heshiisiin.

“Maamulka Cusub ee Gobolka Hiiraan oo aan aniga Gudoomiyaha u ah waxa uu ka shaqeyn doonaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga Gobolka, sidoo kale loo teyn lahaa dhinacyadda Caafimaadka,waxbarashada, iyo isdhexgalka bulshada Gobolka, amni hadii la waayo wax shaqeynaayo malahan”, ayuu yiri Gudoomiye Baadiyow.