Gaari AMISOM Leedahay Oo Dad Ku Laayay Muqdisho!

wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho waxa ay sheegayaan in goor dhaw uu shil galay gaari AMISOM leedahay, kaas oo gaari kale kujiiray degmada Hodan ee gobolka Banadir.

Shilka ayaa ka dhacay waddada dheer ee Taleex, waxaana uu ku aaddanaa xilliga Afurka geeska Afrika, wakhtigaas oo ah xilliga ugu mashquulka badan waddadaas.

lama xaqiijin khasaaraha uu gaystay gaariga AMISOM, waxaana falkan uu kusoo aadayaa xilli guddoomiyaha gobolka Banaadir Thabitn Cabdi uu ka mamnuucay ciidanka nabad Ilaalinta AMISOM in ay isticmaalaan waddooyinka waa wayn sida tan Makka Al-mukarah.