Beesha Cayr Iyo Villa Soomaaliya Oo Is-Mari La’, Iyo Farmaajo Oo Fursad Siiyay Odayaasha Beeshaas

Odayaasha, waxgaradka, iyo aqoonyahanada beesha Cayr ayaa shalayto shir albaabada u xiran yahay ku yeeshay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Afrik oo kuyaalla degmada Waberi agagaarka waddada gasha Airport-ka Adan Cadde.

Shirkan waxaa looga arrimisanayay ciddii ay beesha ku baddali lahayd  hanti dhawrihii qaranka ee fadeexada ku lug yeeshay.

Odayaasha ayaa u kala jabay laba qaybood, kuwa aanba rumeysanayn in hanti dhawraha xilka laga qaaday iyo kuwa kale oo qaba in qof cusub lagu baddalo.

Farmaajo ayaa goor hore u sheegay beesha uu kasoo jeedo Nuur Faarax oo ahaa hanti dhawrihii hore ee Qaranka in ay keensadaan baddalka Nuur oo ay ilaaladiisa dileen wasiir Cabaas Siraaji.

Haddii muddada lasiiyay odayaasha ay ku keeni waayaan qofkii u baddali lahaa booska hanti dhawraha Farmaajo ayaa awooda in uu heshiis la galo hanti dhawre kale, maadaama reerkiisa ay jabiyeen xeerkii iyo ballanqaadkii dhexdooda.