Alshabaab Oo Hadal Laga Naxo Ka Tiri Weerarkii Muqdisho

Dhaqdhaqaaqa Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday Hotel-ka iyo maqaaxida Posh Treats ee magaalada Muqdisho.

War murtiyadeed ay soo saartay Alshabaab ayaa lagu shegay in qayb kamid ah Horinta isqarxisa ay weerar xoog ah ku qaadeen Hotel-ka Posh Treats oo ay ku tilmaameen goob lagu tunto, islamarkaana ah Club loo caweeyo.

War lagu baahiyay Idaacadda afka Shabaab ku hadasha ee Andalus ayaa lagu xaqiijiyay in ururka uu mas’uul ka ahaa weerarkaas, kaas oo ay fuliyeen guuto kamid ah qolyaha ay ugu magac dareen Ishtish-haaddiyo oo ah kuwa isqarxiya.