Waa Kuma Wakiilka Cusub Ee Urur Goboleedka IGAD Ay U Magacaabeen Soomaaliya?

Maxamed Cali Guyo ayaa loo magacaabay wakiilka gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u fadhiya Soomaaliya, kaddib Sannad wakiil la’aan ay ahayd Soomaaliya.

Horay waxaa xilkan kaga tagay Amb Maxamed Cabdi Afeey kaas, loo magaacay wakiilka ugu sareeya ee qaramada midooway u qaabilsan arrimaha qaxootiga Soomaalida.

magacaabiddan ayaa timid kaddib urur madaxeedka IGAD shir ay shalay ku yeesheen magaalada Adis Ababa ee xarrunta dalka Ethiopia, halkaas oo uu kusugnaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Maxamed Cali Guyo oo meello kala duwan kasoo shaqeeyay ayaa lagula dardaarmay in uu si wanaagsan ula macaamilo madaxda Soomaalida, islamarkaana uu si hufan uga dhex shaqeeya IGAD iyo Soomaaliya.