Shir Dib U Heshiisiin Qaran Ah Oo Muqdisho Ka Furmay

wasaaradda arrimaha gudaha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay shirwayne dib u heshiisiin ah, kaas oo bulshada inteeda kale ay kasoo qayb galayaan.

Muqdisho ayuu ka furmay shirkan, waxaana shir guddoominaya ra’iisul wasaare kuxigeenka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed, sidoo kale waxaa goobjoog ahaa wasiirka wasaaradda arrimha gudaha mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, kaas oo ay wasaaraddiisa soo qaban qaabisay shirkan.

Hawlka shirarka ee Hotel City Palace ayuu ka dhacayaa shirkan oo wakhti soconaya, ujeeddka ugu wayn ee shirkan waxaa lagu sheegay in ay tahay meel iskugu keenidda dadka Soomaaliyeed ee dirirtu ay dhex martay 27-kii sano ee lasoo dhaafay.

ma’uuliyiin kala duwan ayaa goobta ka hadashay, mid kastana wuxuu booriyay, kana hadlay muhiimadda ay Soomaalida u leedahay dib u heshiisiinta iyo miiska wada hadalka dib la iskugu soo noqdo.