Wasiirka Wasaaradda Dasruurka Puntland Cali Ciise Oogle aayaa ugu horayn ka warbixiyey muhimada ay u yimadeen weftigani Puntland, waxaana uu sheegay Wasiirku in weftigu ay u socdeen arrimo la xidhiidha dib u eegista dastuurka Soomaaliya, kaasi oo ay Fadaraalka Soomaaliya ku hawlan tahay dib u habayntiisa.
”waxaa sharafweyn noo ah inaan maanta ku soo dhoweyno Garoowe wefti aad u culus runtii oo nooga yimi Fadaraalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo wasiirka Dastuurka DFS, booqashadani runtii waxay daba socotey shirweyn oo hadda ka hor ka dhacay muqdisho si uu wasiirku usoo arko dawladd goboleedyadii oo dhan, nasiib waxaan u helnay Puntland inuu yimaado isaga iyo weftigiisa si loogu kuur galo dib u eegista dastuurka Soomaaliya oo ah hawlweyn oo sugaysa Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka DFS Cabdi Xoosh Jibriil ayaa sheegay dhankiisa in ka wasaarad ahaan ay muhiimad gaara u leedahay imaanshaha Puntland, madaama Punatland ay tahay hooyadda Maamul goboleedyada dalka, isla markaana ay wax badan ku kordhin karto kana saarikarto dastuurka DFS.