Mid Kamid Ah Waddamada Yurub Oo Laga Mamnuucay Indho Shareerka

dawladda Norway ayaa qorsheynaysa in ay joojiso kana mamnuucdo Iskuullaadka xirashada xijaabka iyo indho-sharreerka, kaddib amar kasoo baxay madaxda ugu sareysa dalkaas.

dadka magaalada waa ay isticmaali karaan, balse kaliya ardayda ayaa loo diiday in ay fasalka ku isticmaalaan, iyadoo sabab looga dhigay in ay dhib ku tahay in ay si fudud isku fahmaan macalinka iyo ardayda kale.

waa markii ugu horreysay ee sidan oo kale iskuullaadka looga joojiyo isticmaalka iyo xirashada xijaabka mararka qaar qariya wajiga, iyo gabi ahaanba indho sharreerka.

Norway waxa ay kamid tahay waddamada ugu badan ee ay ku nool yihiin qaxootiga Muslimka ah, sidaa darteeda dhib badan bay ku noqonaysaa amarkan dawladdu soo saartay dhawan.