Mareykan ka Oo Soomaaliya Ka Caawinaya Hal Arrin Oo Haddii Lagu Guuleysto Soomaaliya Hormar Ku Gaarayso

Danjiraha Mareykan ka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Stephen Schwartz ayaa sheegay in dawladdiisa ay diyaar u  tahay in dardar gelinta la dagaalanka ururada argigixisada ah sida Alshabaab, iyo Daacish, oo dhammaan ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Mareynka ka ayaa saldhigyo Militeri kuleh gobolka Geeska Afrika, sidaa darteeda dhawr jeer oo horay ayeey weeraro ugu qaadeen ururka Alshabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Ballanqaadkan ayaa imaanaya xilli dawladda Soomaaliya ay waddo dadaalo lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo idil, waxaana ay tani ka caawinaysaa in ay kusii dhiiranaadaan hawsha ay hayaan ciidanka loogu magac daray xasillinta caasimadda.

Ambassador Stephen Schwartz ayaa hadalkiisa ku adkeeyay in Washintong ay diyaar u tahay in gobolka uu noqdo mid ammaan iyo kala dambayn ay kajirto, lana sifeeyo dhammaan argigixisada, iyo ururada xagjirka ah ee ka dagaalama Soomaaliya.