“Mareykan ka Ayaa Sameeyay Daacish,Si Uu U Burburiyo Waddamada Islaamka.” Warbixin Xasaasi Ah

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee reer Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa aad u cambaareeyay faragalinta Mareykan ka uu ku hayo gobolka bariga dhexe, wuxuuna kashifay sirta ah in xaaladda gobolka ay ka dagi la’dahay xukuumadda Trump.

Khamenei ayaa sidoo kale hadalkiisa ku adkeeyay in Mareykan ka isaga laftigiisa uu sameeyay ISIS, haddana uu doonayo in uu ku bur buriyo waddamada Muslimka ah.

“Idinka (Mareykan ka) ayaa ah kuwa mas’uulka ka ah xasillooni darada gobolka Bariga dhexe, idinka ayaa dhisay ISIS,dagaalkiina ku wajahan ururkaasna, waa been iyo borobagaando,” ayuu wadaadka laga haybaysto u sheegay warbaahinta dawladda Iiraan.

Mareykan ka ayaa ku jira waddamada dagaalka ba’an uu kala dhaxeeyo urur diimeedka ISIS, kuwaas oo ka dagaalama Ciraaq Iyo Syria, sidoo kalena kusii baahaya qaybo kamid ah gobolka Bariga dhexe.