Kenya oo kalkaaliyayaal Cafimaad u tababareysa Somaliya

Dowladda Kenya ayaa kalkaaliyayaak Caafimaad u tababareysa Dowladda Soomaaliya kaddib codsi dowladda Soomaaliya u jeedisay Dowladda Kenya.

Kalkaaliyayaasha Caafimaad ee la tababarayo ayaa waxaa ay tiradoodu gaareysaa 200 oo Qof,waxaana la bari doonaa qeybaha kala duwan ee Caafimaadka.

Warbaahinta Dalka Kenya ayaa qoraya in dowladda Soomaaliya ay codsatay in loo tababaro shaqaale caafimaad oo kalkaaliyayaal ah kaddib markii ay Soomaaliya sheegtay in ay ku yaryihiin kalkaaliyayaasha Caafimaadka.

Mac-hadka Tabararrada Caafimaadka ee KMTC,ayaa tababaraya 200 oo Qof oo ay Dowladda Soomaaliya dooneyso in ay ku tayeyso hanaankeeda caafimaadka ee dalka.

Heshiiska lagu tababarayo 200 Qof ayaa waxaa uu ka mid ahaa waxyaabihii ay ku heshiiyeen madaxeynayaasha Kenya iyo Soomaaliya oo Bishii February ku kulmay Nairobi.