IGAD oo wakiil cusub u soo magacaabatay Somaliya

Urur Goboleedka IGAD,ayaa wakiil cuusb u soo magacaabatay Soomaaliya kaddib markii wakiilkeedii hore  ay Qaramada Midoobey u magacawday wakiilkeeda arrimaha Qaxootiga Soomaaliya.

Maxamed Cali Guyo ayaa loo magacaabay Wakiilka cusub ee IGAD u metalaya Soomaaliya waxaana uu booskaas kala wareegay Maxamed Cabdi Afeey.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa Maxamed Cabdi Afeey u magacaawday Wakiilkeeda Qaxootiga Soomaaliya,Sanadkii hore,waxaana hadda lagu beddelay Maxamed Cali Guyo oo noqonaya Wakiilka cusub.

IGAD,tan iyo Sanadkii hore malahayn wakiilkeeda Soomaaliya waxaana warar xilligaasi la isla dhexmarayay ay sheegayeen in lagu beddelay Jeneraal Gabre oo ah Sarkaal Itoobiyaan ah kana tirsan Xafiiska IGAD ee Soomaaliya.