Haweeney Dhaxalkeeda Ninkeeda Uga Ogolaatey Laba Dollar oo Keliya.

Haweenay Mareykan ah oo Taajirad ah aadna u Hinaase ama maseyr badnayd ayaa xanuunsatay beri waxaana ay marwadani cuqdad ka qabtay in haddii ay dhimato ama geeriyooto uu ninkeedu inta uu dhaxlo hanti badan oo ay lahayd, kadibna uu guursan doono gabar kale oo uu xoolaheeda kula raaxaysan doono.

Gabadhan oo muddo xanuunsanaysay, ayaa Aakhirkii markii ay dareentay in ay geeridii hayso ayaa waxey Ninkeedii u qortay warqad ay kaga hadlayso dardaarankii dhaxalka waxaana ay ku sheegtey in ninkeeda uu xoolaheeda ka qaato Laba ($2) Dollar oo lacag ah.

Ninkii oo ogaaday dardaaranka gabadha, ayaa isaga oo aad u careysan weydiiyey, sababta ay sidaas ugu gelayso ee 2 doolar oo keliya u siisay. Laakiin halkii uu jawaab kale ka sugayey, waxa ay gabadhii si dhib yar ugu jawaabtay, “waxaan doonayaa in aad lacagtaa siisato xarig aad isku dal dasho ama isku marjisid, si aad dhaqso iiga daba timaaddo oo aanad naag kale u haweysan”