Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Hiiraan Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Ballad-wayne

Cumar Aadan Ibraahim oo ku magac dheer CUmar Baadiyoow oo dhawaan uun loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa gaaray magaalada Balladwayne, isaga iyo wafdi heer qaran ah oo la socday.

garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ayaa lagu so dhaweeyay guddoomiyaha, soo dhawayntiisana waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socotay maamulka Hirshabelle, bulshada Rayidka, ciidanka AMISOM, iyo qaybaha kala duwan ee dadka deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa u ballan qaaday dadka gobolka in uu ku dadaalayo ammaanka iyo kala dambaynta gobolka, isagoona sidoo kale wacad ku maray in uu la dagaalamayo sifaynayana dhammaan ciddii liddi ku ah ammaanka gobolka Hiiraan,