Daacish Oo Hal Sabab U Weeraraysa Mareykan ka, Europe, Russia, Australia, Iraq, Syria, Iran, Iyo Philippines, Haddaba Waa Maxay Sababtaas?

cajalad maqal ah oo lasoo dhigay barta rasmiga ah ee ururka Daacish ay ku leeyihiin barta Telegramka ayaa loogu hanjabay dhammaan dadka ku nool waddamada reer Galbaadka.

sidoo kale farriinta oo ahayd mid dhiillo leh, ayaa lagu sheegay in ay ururka ay qaadi doonaan weeraro inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan, si ay ugu faa’iideystaan kheyrka iyo wanaagga bishu leedahay, sida ay aamminsan yihiin.

United States, Europe, Russia, Australia, Iraq, Syria, Iran, iyo Philippines ayeey sheegeen in ay weerar ku qaadayaan kahor inta aysan dhammaan bisha Ramadan.

ISIS ayaa dagaal kula jirta dunnida Galbeedka iyo dawladaha ay jaanta ku wataan, sidaa darteeda waxa ay sameeyeen ballanqaadyo waa wayn, iyagoo dhallinyaro badan dhiira galinaya, islamarkaana kasoo duufsanaya waddamada ay joogaan.

ma ahan markii ugu horreysay ee sidan oo kale ay Daacish soo duubto cajalad, ay ugu hanjabayaan waddamada ay dagaalka kula jiraan.