Beyle: “Beesha Caalamku lacag waa nagu aamini weysay”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in beesha Caalamka ay Soomaaliya ku aamini la’dahay lacagaha caddaanka ah.

Mr Beyle waxaa uu ka hadlayay kulan Wasaaradaha Maaliyadda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada uga furmay Muqdisho,kaas oo looga hadlayay dhaqaalaha dalka.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka aysan lacag caddaan ah ku aamini weysay Soomaaliya,markii ay wax ka weydiiyeenna loo sheegay in kaliya ay maamushaan mashaariicda ee aan lacag lagu wareejineyn.

Waxaa uu intaas ku daray in xubanah Beesha Caalamka ay u sheegeen in kaliya ay Soomaaliya u madaxbanaantahay maamulidda mashaariicda,hadba kii ay doonaanna maamulayaan,laakiin aan lacag lagu siineyn.

Wasiirka ayaa si arrintaas looga hortago waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in Soomaaliya ay la timaado hanaan maaliyadeed oo hufan si ay u soo laabato kalsoonida Caalamka ku qabay Soomaaliya.