(Baaq furan kuna socda Duqa Muqdisho)

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thabit Ab waxaan ujeedinayaa baaq furan kuna saabsan in Degmada Garasbaaley ay tahay deegaan aanan hoostagin degmkoyinka ay dariska yihiin.

Garasbaaley waxaa codsigeeda Degmanimo ay hortaallaa hay’adda sharci dajinta qaranka ee baarlamaanka ayagaana go’aan kasoo saari doona haduu alle idmo.
Gudoomiye masaoconayso mana dhici karto in Garasbaaley ay hoos tagto degma kamida Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Waxaan soo jeedinayaa oo aan kadigayaa in aan bulsho wax qabsatay ee dhisatay deegaannkeeda in lagu caburiyo leeyskuna dayo in awood sheegasho loogu isticmaalo in layiraa waxaad hoos tagtaan degmo ay ehel iyo daris wanaag kadhaxeeyo.

Waxaan sidoo kale mas’uuliyiinta dowladda gaarrsiinayaa in ay ila wadaagaan baaqan

Deegaan waynaha Garasbaaley muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa haysatay caqabado ay kamid yihiin kumanaan barakacayaal ah oo aan waxba loo qaban iyo cunaqabateyn xagga xuquuqda ay uleeyihiin in lagu ixtiraamo horumarka isku tashi ay gaareen .

Shacabka gobolka iyo Degmooyinka la dariska la’ah Garasbaaley waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan jiritaanka ehelnimo oo ay ka mudan yihiin dadka kasoo jeeda Degmada Garasbaaley.

Mahadsanidiin Hassan Abdikadir Mudey.