Alshabaab Oo Hoobiyayaal Ku Duqeeyay Saldhig Ay AMISOM Leedahay

wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degmada Biya Cadde waxa ay sheegayaan in xalayto Alshabaab ay weerar kuqaadeen saldhigga ciidanka AMISOM ay ku lahaayeen deegaankaas.

xilliga oo Habeen ahaa, lagu daray degmada oo kala xiran, dadka deegaanka ayaa kusoo toosay dhawaaqa madaafiicda, waxaana ay ahaayeen Alshabaab oo hoobiyayaal iyo madaafiic iskugu daray AMISOM.

Khasaaraha lama ogaan karo, balse waxay xaqiijiyeen dadka deegaanka in ay jirto dhibaato labada dhinac ah, maadaama AMISOM markii madaafiicda lagu soo riday laftigeedu ay jawaab bixisay, taas oo keeni karta in ay ku waxyeeloobaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo guryahooda ay ugu tageen madaafiicda la iswaydaarsanayay.