Al-shabaab oo Madaafiic ku Garaacay degaanka Biya’cadde ee Gobolka Sh/dhexe

Wararka ka imaanaya Degaanka Biya-cadde Ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Xalay Madaafiic ku garaaceen Degaankaasi Biya-cadde.

Madaafiicda ayaa laga Maqlay inta badan Meelaha u dhow dhow Degaanka Biya-cadde,waxaana ay socotay wax aan ka yareyn 20 Daqiiqo sida ay Goobjoogeyaashu noo Xaqiijiyeen.

Madaafiicda ka dib ayaa la sheegay inuu Xigay Dagaal ay Al-shabaab ku qaadeen Ciidamada Xoogga Dalka Ee ku sugan Biya-cadde.

Weli lama Oga Khasaaraha Dhimasho iyo Midka dhaawac ee ka dhashay Dagaalka dhexmaray dagaalameyaasha Shabaab iyo Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Biya-cadde jooga.

Shabaab iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyaguna kama hadlin Dagaalka oo ahaa Mid Xalay si weyn looga dareemay Qeybo ka mida Gobolka Shabellaha Dhexe.