Afar Qof oo Shacab ah oo lagu dilay Degaanka Kaxan-dhaale

Afarta Qof ayaa la sheegay in ay dileen Maleeshiyaad Hubeeysan,waxaana jira Dad la la yahay Nolol iyo Geeri.

Guddoomiyaha Degaanka galinsoor Xirsi Muuse Maxamed oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in  Maleeshiyaadka Dilka geystay ay ka soo jeedaan Degaanka Saaxo ee isla Gobolka Galgaduud.

Dhowr jeer ayaa waxaa ka dhacay Aagaas Dilal Salka ku haya Aano-qabiil,iyadoo weli aysan jirin wax Xal ah oo laga gaaray.