Wasaaradda Maaliyadda Oo Shir Wayne Qaran Oo Noociisa Kii Ugu Horreeyay Ah Muqdisho Ku Qabatay

waxaa magaalada Muqdisho ka bilawday shirka hormarinta dhaqaalaha ee ay soo qaban qaabisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

shirka waxaa ka qayb galaya dhammaan wasiirrada maamul gobolaydyada ee dhanka Maaliyadda, inta badanna waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loo hormarin lahaa dhaqaallaha iyo maaliyadda Qaranka.

waa markii ugu horreysay ee wasaaradda Maaliyadda ay soo agaasinto shir noocan oo kale, waxaana kasoo muuqday wasiirrada maaliyadda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle, xilli wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka ay dhex dhexaadiye ka ahayd shirkaas Muqdisho ka furmay.