SHIRIBKA MAANTA IYO SHAACIYE “Seddax walxaato goyn ku taal Seddax kaleey ka gambataa,

“Seddax walxaato goyn ku taal

Seddax kaleey ka gambataa,
Waxayna uga gambataa
Seddax kaleeto goyn ku taal.

Geesleydu aar gadaal roggee
Guuxaaya waa ka gambataa,
Waxayna uga gambtaa
Waa geeri uun wuxuu galaa.

Gashaanti nin gabyoobohoo
Goob jooga waaka gambataa,
Waxayna uga gaambataa
Gartu halkeey gashow gartaa.

Gabinna nin gerweyn lohoo
Guurti ah waa ka gaambayaa,
Wuxuuna uga gambayaa
Gu-gow ka wenyohow gartaa.

“Afmeer”

“Gor-gor shimbir gaweysaya
Geel geesa keenay waa gugaan!”

 

WQ

Hassan Kaamill Cuute Shirib-maal